Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in labo ruux ay geeriyoodeen, kadib markii Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi iska hor imaad uu ka dhacay.
Ganacsatada qaadka ayaa la sheegay in lagu kordhiyay lacag canshuur ah oo laga qaadi jiray, taasina waxa ay keentay dabley arintaasi ka carootay inay soo weeraraan Garoonka.
Labada ruux ee geeriyootay ayaa kala ahaa nin Askari ah iyo nin ka tirsanaa Dableyda weerarka soo qaaday.
Maamulka Magaalada Laascaanood iyo Saraakiisha ammaanka Magaaladaasi ayaanan weli ka hadlin iska hor imaadka ka dhacay Magaaladaasi.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood ayaa 10-km qiyaastii wuxuu u jiraa Magaalada Laascaanood.