Liiska Xildhibaanada Aqalka hoose ee lagu doortay Magaalada Jowhar

Doorashada Aqalka Hoose ayaa maanta lagu tartamay afar kursi iyadoo doorashada maanta ay ahayd mid aad u adkeyd.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa guuleystey doorashada Aqalka Hoose kadib markii uu helay codad gaaray 48 cod halka musharixii la tartamayay Cumar C/qaaddir Axmed uu ka helay 3 cod.

Sidoo kale waxaa xildhibaanimadiisii adkeystey xildhibaan Cabdisitaar Cabdisalaan Shiikh Xasan Barsane oo helay 29 cod, halka musharixii ku soo xigey Mustaf Shiikh Cismaan uu ka helay 22 cod.

Waxaa sidoo kale maanta ku guuleystay kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi oo helay 50 cod.

Kursigii ugu horeeyay waxaa ku guuleystay C/llaahi Maxamed Nuur Wasiiru dowlaha maaliyadda oo cod gaaraya 28 cod ku maquuniyay musharixii ugu weynaa ee la tartamaya Bashiid Caddow oo helay 21.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

23451