Liverpool Ayaa Baadi Goobeysa Xidig Ka Tirsan Kooxda Borussia M’gladbach Xigaan Oo Markale Casuumaad Macalin Klopp ————-

Liverpool ayaa suuqii xaaga oo dhan lala xidhiidhinayay xidiga xulka qaranka Germany iyo kooxda Borussia Monchengladbach ee Mahmoud Dahoud wuxuuna Klopp doonayay in uu 20 sano jirkan khadka dhexe uu ku soo xoojiyo kooxdiisa Liverpool. Laakiin Reds ayaan xagaagii dhawaa fursad u helin ay kula soo wareegi kartay Mahmoud Dahoud.

Tababaraha ree Germany ee Jurgen klopp ayaa doonaya in Mahmoud Dahoud uu qayb ka noqdo qorshihiisa waqtiga dheer ee Anfield waxayna Liverpool diyaar u tahay in ay xidigan dalbto marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoydu uu dib u furmo bisha January sida uu ku waramay wargayska Germany ka soo baxa ee  Die Express.

Kooxda Borussia Monchengladbach oo xagaagii dhawaa Arsenal ka iibisay Granit Xhaka ayaa ku adkaystay in Dahoud aanu iib ahayn waxayna Liverpool qorshaynaysaa in Mahmoud Dahoud ay ku dalbato 26 milyan oo gini.

 

WQ. ISMACIIL CABDI IBRAHIM { SANKA }

 

klop

klop2

klpo4