Liverpool Ayaa Sheegtay In Aysan Barcelona Jibin Karin Qandaraaska Xidiga Philippe Coutinho

Philippe Coutinho ayaa lagu waramayaa inuusan qandaraaskiisa ku jirin lacag lagu burburin karo iyadoo Barcelona ay dooneyso inay u dhaqaaqdo xiddiga Liverpool.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan ee Reds sannadigii ugu danbeeyay isagoo si weyn wacdarro u dhigayay tan iyo markii uu yimid Jurgen Klopp bishii October ee sannadkii hore.

Warar ka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in Liverpool ay isku diyaarineyso dagaal iyadoo Barcelona ay dalab 65 milyan ginni ah ka soo gudbineyso Coutinho xagaaga.

Si kastaba, ESPN ayaa sheegta y in kooxda Premier League ay go’aan adag qaadan karto haddii Barcelona ay dalab ka soo gudbiso ciyaaryahanka madaama aysan jirin lacag lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka oo dhacaya 2020.

Warka ayaa intaas ku daraya in 24 jirkaan oo dhaliyay lix gool islamarkaana caawiye ka noqday shan kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan inuu doonayo inuu sii joogo Anfield.

Coutinho ayaa Ku Soo Biiray  Reds bishii Janaayo ee 2013 isagoo Lacag Dhan  8.5 milyan ginni ah uga soo wareegay Inter Milan.

 

WQ.ISMACIIL CABDI IBRAHIM { SANKA }

 

co

co2

co3