Liverpool Oo Guul Daro Soo Wajahday Klop Maxuu Ka Yiri Guul Daradii Soo Gaartay Halkaan Ka Aqriso—————

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ciyaartoyda kooxdiisa ku eedeeyay in ay albaabka u fureen kooxda Bournemouth isla markaana ayna dhaqan galin dardaarankii uu soo siiyay waqtigii nasashada. Liverpool ayaa iska tuurtay natiijo u muuqatay in ay saddexda dhibcood ku heli kareen waxaana guul soo laabasho taariikhi ah guuldaro ku baday kooxda Bournemouth.

Klopp oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka danbeeyay kulankii Bournemouth ayaa yidhi: “Waxaan wiilasha waqtigii nasashada u sheegay in qaybtii h–e ay ahayd u diyaar garaw sax ah ee qaybtii danbe, sabbatoo ah waxaanu markiiba muujinay in aanu 2:0 ku haynay iyo in ayna ciyaartu wali dhamaan”.

Klopp oo sharaxaya wixii kooxdiisa ka qaldamay halka ay dhibaatadu uga timid ayaa yidhi: “Aad ayaanu u gaabinaynay kubbad dhiibistayada, waxaanu kubbada haysanaynay waqti dheer, kadib xili danbe ayaanu kubbada bixinaynay, sidaa daraadeed, ciyaartoyga baaska bixinayay cadaadis ayuu ku hoos jiray. Wax kastaaba way isbadaleen, kaliya ma aha in ay wiilashu doonayeen, sababtoo ah waxaa yara luntay diirad saaridii”.

Tababare Klopp oo qaybtii danbe ee kulankii Bournemouth ka hadlaya ayaa yidhi: “Laakiin wali ilaa qaybtii danbe waxaanu lahayn 2:0, waxaana iska cadayd in wax dhici karaan. Dabcan rekoodhuhu ciyaarta ayuu badalay, waxaanu dhalinay goolka saddexaad, laakiin markale ayay si deg deg ah u dhacday. Waxaanu furnay alabaabka, laakiin waxay ahayd in Bournemouth ay orodo wayna sameeyeen, dabcan anigu natiijada kuma faraxsani”.

Klopp ayaa sheeko layaableh ku tilmaamay waxa kooxdiisa qabsaday wuxuuna yidhi: “Waxay ahayd sheeko layaableh haddii aanad joogin dhinaca qaldan, maanta waxaanu ahayn dhinaca qaldan, taas ayaa ah waxa ah tahay in aanu aqbalno. Anigu waan tixgalin doonaa oo aan aqbali doonaa wax kasta oo aad naga sheegtaan maanta, haddii aad doonaysaa sheega waad indho laadihiin, micno ma lihidin, in ku filan uma fiicnidin, waxa aad doontaan, waxa aad doontaan sameeya”

Laakiin Klopp ayaa hadalkiisa raaciyay in natiijada kulankan ayna badalayn wixii uu kooxdiisa ka filayay wuxuuna yidhi: “Wax saamayn ah kuma laha wixii aan kooxdayda ka filayay, waad qori kartaan, waad akhriyi kartaan,kadibna ka socda, taas ayaa ah waxa oo dhan. Dabcan maanta qaladaad ayaanu samaynay, waxaanu iska tuurnay ciyaarta, sababto ah mardanbe kubbad maanu ciyaarin”.

3b07a48b00000578-3998792-image-a-44_1480866868178

3b07875c00000578-3998682-image-a-99_1480866283696

3b07995b00000578-3998792-image-a-45_1480866871404

4157132

4158422