Lix Ruux Oo Ku Dhaawacantay Degmada Xamar Jajab Kadib Weerar Bombaano

Ugu yaraan lix ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacantay bambada nooca gacanta laga tuuro, oo  habeenimadi xalay lagu weeraray hoy ku yaala D/Xamar jajab

Hoyga ayaa waxa daganaa mid ka mid ah sarkaal ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya ka tirsan, waxaa xilliyada habeenkii la sheegay inay ku qayilaan Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmada Xamar Jajab iyo dhalinyarada deegaanka qaarkood.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Jajab, haweeneyda lagu magacaabo Iftin Cumar Adeer, ayaa sheegtay hoygaasi oo ku yaala xaafadda Buurka in lagu tuuray laba xabo oo bambo ah, laakiin ay mid ka mid ah uun qaraxday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa xaqiijiyay in dhammaan lixda ruux ee ku dhaawacantay qaraxaasi inay yihiin dhalinyaradii deegaanka.

Afhayeenka, ayaa tilmaamay in saddex ka mid ah dhalinyaradaasi uu dhaawacoodu culus yahay, isagoona masuuliyadda qaraxaasi ku eedeeyay Al Shabaab.