Maalinta AIDS ka aduunka

Sanad walba maanta oo kale waxaa dunida guudkeeda laga xusaa maalinta cudurka AIDS. cudurkan ayaanan ilaa iyo hada loo helin dawa sax ah oo lagu ciribtiri karo balse waxaa la hayaa dawoyin kaalmaati ah oo loo adeegsado yareynta sameyntiisa.

Sameynt uu ku yeeshaay cudurkan guud ahaan caalamka ayaa la shegaa in sanad waliba in ka badan 1 million oo qof  u dhintaan qiyaas ahaan. Warbixin ay soo saartay UN ayaa lagu sheegay  tan iyo  markii uu soo shaac baxay virus ka dhaliya cudurka AIDS sanadkii 1988  in ay u dhintaan dad kor u dhafayo 35 million. sidoo kale sanad walbaa waa qada virus ka qiyaastii 2 million oo ruux.

Hadaba manta oo ay ku beegantahay 1 December 2016 ayaa waxaa laga xusay inta badan caalamka.