Maamulka Dagmada Byrtiinle ee Gobolka Mudug oo Sheegay in ay Heleen Meydka qof heybtiisa aan la aqoonsan

Maamulka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa saaka waaberigii helay maydka nin dadiisu lagu qiyaasay 40 jir la aqoonsan la’yahay, kaasoo dadka deegaanku ay kusoo war geliyeen maamulka degmada.

 
Ninkaan ayaa maydkiisa lagu arkay barkad deegaanka kutaala oo ay biyaha laga cabo sida Warbaahinta uu u  sheegay Xaafid Cabdirisaaq oo ahaa xoghayihi hore ee degmada Burtinle, kaasoo kamid ahaa dadka arkay ninkaan.

 
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta uu dhintay ninkaaan, mana jirto wax dhaawac ah oo jirkiisa ka muuqda, waxaana haatan baaritaan kuwada maamulka degmada iyo laamaha amniga.