Maamulka Deegaanka leego oo Qaadacay in Hoobiyaal lagu garaacay Deegaankaasi.

Iyadoo Madaafiic laga maqlay saaka deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM xarun ay ku sugnaayeen lala beegsaday Madaafiic culus ayna ku jawaabeen Madaafiic kale ayaa waxaa beeniyay arintaasi maamulka deegaankaasi Leeg.

Guddoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Isaaq Al Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in Hoobiyayaashaasi ay ahaayeen kuwa tijaabo ah ayna jirin wararka la xiriira in AMISOM aan la weeraray.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in xaaladdu tahay mid degan , waxaana meesha uu ka saaray in wax dagaal ah uu ka jiro deegaankaasi.

Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa xarun weyn ku leh Ciidamada AMISOM taas oo inta badan la kulanta weeraro kaga yimaada Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay ka dhashaan Khasaarooyin Nafeed.