Maamulka degmada Afgooye oo albaabada isugu dhuftay idaacda Radio AFGOOYE

Ciidanka maamulka Degmada Afgooye ayaa hawada ka saaray idaacadda  Radio Afgooye oo ah idaacad madax banaan oo ku taala degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa xarunta idaacadda gudaha u galay waxaana la sheegaya in ay Al-baabada ay isku dhufteen.

Agaasimaha radio Afgooye Maxamed Muuse oo lahadlay Radio Xurmo ayaa sheegay in ciidamo katirsan maamulka degmada afgooye ay gudaha usoo galeen xarunta idaacada islamarkaana ay wriyeyaasha idaacada ay madaxa darbiga ay usaareen iyagoo ku amray in idaacada hawada laga saaro.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in gudoomiyaha degmada Afgooye uu ku soo war galiyay in tuhuno ay jiraan ilaa laga cadeyana aan idaacada la furi karin ilaa amar dambe.
dhinaca kale maamulka degmada afgooye oo aan la ariirnay si aan wa uga weydiino xiritaanka idaaacada ayaa inoo suurta gali weysay inan qadka ku halelno