Maamulka Hirshabeele oo faahfaahin ka bixiyay howgal ciidanka Dowlada ay kula wareegeen deegaan hoostaga gobalka shabeelaha dhexe.

Cali C/laahi Cosoble oo ah Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu ka hadlay Howlgalka Ciidanka Dowladda ay kula wareegeen Degaanka Miir-taqwe la yiraahdo ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoona sheegay in ciidanka dowlada ay guul weyn ay ka gaareen howlagalka ka dhacay deegaanka Miir taqwe ee gobalkaasi.
Waxaa uuna Mdaxweynaha ciidanka Dowlada iyo kuwa Aminsom ku bogaadiyay inay sii Dardargaliyaan Howlgalka ka dhanka Dagaalamayaasha Xarakada Alshabaab,Waxa uu tilmaamay in dhawaan Alshabaab laga saari doono deegaanada gacantooda ka haray ee katirsan gobalada Hirshabeele.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili Saacadihii la soo dhaafay ciidanka dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ay Alshabaab kala wareegeen deegaanka Miir taqwe ee hoosyimaada degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.