Maamulka Jubaland oo walaac ka muujiyay dib udhaca markale ku yimid Doorashooyinka dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyaya laanta afka Somaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in walaac ka ka qabaan Dib u dhaca markale ku yimid Doorashada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay aad ugu diyaar garoobeen Doorashooyinka,dhankoodana wax kasto ay ka dhameysrirnaayeen isagoona shaki galiyay in markale dib usii dhacdo doorashada.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland ayaa Dowlada Dhexe ka codsaday inay dar dar galiyaan doorashooyinka dalka oo aysan markale dib udhicin.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa imaanaya xili Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ay labo jeer dib u dhigay xilligii Doorashada la qaban lahaa, waxaana jira walaac laga muujiyay dib u dhacan.

Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii xafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaliya uu muujiyay in uu ka walaacsan yahay dib u dhaca xilliga Doorashooyinka.