Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in ay Dileen Sargaal ka tirsan Alshabaab

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka ee maamulka Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in howlgalo laga sameeyay gobalka Baay lagu dilay dagaalyahano ka tirsan  Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Howlgaladii ugu danbeeyay ee laga sameeyay deegaano hoostaga degmada Qansaxdheere in lagu dilay Sideed Dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Xasan Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in dagaanyahanada la dilay uu ka mid yahay Sargaal sare oo lagu magacaabi jiray Xasan Ganey oo Shabaabka Muhiim u ahaay.

Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Maamulka Koofur galbeed ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxa ay wadeen Howlgalo ka dhan ah Alshabaab.