Maamulka Puntland oo Sheegay In Dekedda Boosaaso ay ku qabteen Gaadiid Dagaal oo Galmudug ay leedahay

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa awaxa ay sheegayan in Dekedda Boosaaso lagu qabtay Gaadiid ay leedahay Galmudug oo dekeddaasi ka soo dagay.

Gaadiidka ayaa la sheegay in ay gaarayaan illaa Afar,kuwaas oo kala ah Saddex Cabdi Bile oo Dul Banaan ah iyo Gaari  ah Nuuca aysan Rasaastu karin ee loo yaqaano Bullet-proov.

Gaadiidkan ayaa hadda lagu hayaa caasumada Puntland ee Garoowe banaankeeda, iyadoo ay ciidamada Amnigu gacanta ku hayaan sida ay sheegayaan warar madax banaan oo laga helayo, waxaana ku socda baaris ay wadaan ciidamadu.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa noo Xaqiijiyay in Gaadiidkaasi ay Gacanta ku hayaan Maamulka Puntland islamarkaana  ay socdaan wada-hadallo lagu sii deynayo  Gaadiidka Galmudug ay leedahay.

Saraakiisha ciidamada Difaaca Puntland ee gacanta ku haya gaadiidkan ayaa dhankooda waxa ay ka  gaabsadeen in ay faahfaahin dheeri ah ka bixiyaan, waxa ayna sheegeen in ay baaris wadaan.

Maamulka Puntland ayaa Horay u Mamnuucay in deegaanadeeda laga soo dajiyo Baabuurta Dagaalka iyo Hub koox kale ama dad kale loo wado.