Maamulka Puntland oo Xilka ka qaaday Isku duwaha wasaarada Warfaafinta oo Horay uga Hadlay Duqeyntii Galkacyo ka dhacday

Sida ay sheegayan Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka heleyno Magaalada Galkacyo Maamulka Puntland ayaa xilka ka qaaday isku duwihii wasaarada warfaafinta ee gobolka Mudug Cabdinaasir Badel Khaliif.

Xil ka qaadista Iskuduwaha wasaarada warfaafinta ee gobolka Mudug ayaa timid ka gadaal markii dhawaan uu ka hadlay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidanka Galmudug ee ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.

Isku duwaha ayaa sheegay in howgalka ay fuliyeen ciidanka Difaaca Maamulka Punland , islamarkaana ay dileen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Warkaasi oo Puntland ay u aragtay Mid sir u ah oo Isku duwaha uu dibadda Soo dhigay ayaa kenetay in Shaqadii laga ceyriyo Xeta isku duwaha uu Muteysan Karo Xarig maadama uu war qarsoona dibada soo dhigay.