Maamulka Puntland oo xukun ku riday rag ka tirsanaa Xarakada Alshabaab.

Maxkamada ciidamada Maamulka puntland ayaa maanta xukuno ku riday 28 dhalinyara ah oo ka tirsanaa Xarakada Alshabaab oo ku xirnaa xabsiyada ku yaala magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada Qalabka sida ee maamulka Puntland Cabdixakiin Xasan Firdhiye ayaa u sheegay wariyeyaasha in 54 ka mid ah Al-Shabaabkii ku xirnaa xabsiga Garoowe lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 10 sano ilaa 15sano oo xabsi ciidan ah.

Raga ay maanta xukunka ku riday maxkamada ciidamada ee maamulka puntland ayaa horay loogu soo qabtay dagaalo Ciidamada Maamulka puntland iyo Dagaalamayaal ka tirsan xarakada Alshabaab ku dhex maray deegaanada uu ka arimiyo maamulka puntland iyadoona maamulka Puntlnd uu horay ushaaciyay In dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo gaaraya 50 askari ay gacanta ku dhigeen in kastoo aan la xaqiijin karin dhab ahaansha warkaasi