Maamulka Puntland oo Xukun ku Riday Shaqsi lagu qabtay Dekedda Boosaaso Isagoo Hub Sharci daro ah kala soo dagay+Sawirro

Hubkan oo ahaa Lix Bistoolad iyo rasaas ayaa lagu soo qariyey doon ganacsi oo ka timid dalka Yemen, waxaana sidoo kale ay ciidanka qabteen ninkii waday hubkaasi.

Maxamed Cali Xaashi oo ah taliyaha dekadda Boosaaso oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Bistoolooyinka si hoose loogu soo qariyey Xalwada cad, balse ciidanka dareen galay kadib ay baareen Xalwadaasi, hoosteedana ka helay Bistoolooyinkan oo Bac lagu soo xiray.

Baaritaan degdeg ah oo ciidanka Booliiska sameeyeen waxaa la qabtay dhowr qof oo hubkan keenistiisa ku eedeysnaa, hase ahaatee waxaa falkaasi qirtay Hal shaqsi oo la sheegay inuu isaga Bistooladahan watay.

Waxaa shaqsigaasi durba lasoo taagey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, iyadoo lagu xukumay 20 sano oo xarig ah, halka Bisttoladahana ay la wareegtay Puntland.

1473926434b8d9c b535fbd174d88c202f9b 147392643186846