Maamulka Soomalialnd oo qaadacay Xubnaha Aqalka Sare ee loo qoondeeyay Soomaliland

Maamulka Somaliland ayaa kasoo horjeestay doorashada lagu wado in ay dalka Ka dhacdo labo bil ka dib.

Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay BBC ayaa sheegay in maamulka Somaliland aysan quseyn doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo dabayaaqada sanadkaan.

Sacad Cali Shire ayaa ku tilmaamay doorashadaasi mid lagu qiyaamayo shacabka Somaliland.

Waxa uu sheegay in aysan jirin cid matasha Somaliland oo ku lug leh doorashada Soomaaliya.