Madaxii Xisaabaadka Shirkadda Dahabshil ee gobolka Banadir oo Xalay lagu Dilay Magaalada Laas-Caanood

Wararka aynu ka Heleyno Magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayan in Habeenkii Xalay Magaalada lagu dilay Nin Ganacsade ah Mid kalana la dhaawacay.

Ganacsadaha la dilay ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Masuuliyiinta Shirkada Xawaalada Dahab-Shiil waxaana sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay Ganacsade kale inkasto aan la xaqiijin isna in uu ka tirsanaay Shirkada Dahab shiil.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu Magacaaba Maxamed Xersi Yuusuf waxaana la sheegay in uu ahaa madaxii xisbaadka shirkadda Dahabshil ee gobolka Banadir kaasi oo booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood.

Sidoo kale Ganacsadaha la dhaawacay waxaa lagu Magacaabaa Siciid Cabdi Faandhe waxaana la sheegay in Dhaawacsiisa uu aad u Culus yahay.

Ilaa Hada lama oga Cida ka Dambeysay Dilka loo geystay Ganacsade ka tirsan Dahab shiil Mid kalana lagu Dhaawacay waxaana saakay Magaalada Laas-Caanood laga Dareemaya Hadal heynta ku aadan Dilka xalay ka dhacay Gudaha Magaalada.

Maamulka Gobolka Sool iyo Kan dagmada Laas-Caanood weli kama aysan Hadlin Mashaqada Xalay ka dhacday laas-Caanood.