Madaxweynaha Cabduwali Gaas  Oo Kulan Qaas Ah La Yeeshay Nabadoonadda iyo Waxgaraddka Gobolka Muddug.

Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe  waxaa uu qasriga madaxtooyada  Puntland ee magaalada Gaalkacayo kula kulmay nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacayo.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay maanta qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug ayaa waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan madaxtooyada  Puntland, kulankaas oo ahaa kulan xog waran ayaa waxaa odayaashu ay Madaxweynaha warbixin ka siiyeen guud ahaan xaaladda Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca kale nabadoonada iyo waxgaradkii ka qayb galay kulanka ayaa waxay ku fallanqeeyeen sida ay u arkaan dagaalada soo noqnoqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo sida ay ula muuqato aragtidooda sidii xal waara loogu heli lahaa magaalada Gaalkacayo iyo bulshada ku dhaqan ay u heli lahaayeen xasilooni iyo xal waara oo lagu heli lahaa shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladd gobaleedka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  nabadoonada iyo waxgaradka  Gobolka Mudug uga mahad celiyay sida ay markasta ugu howlan yihiin sidii loo qaboojin lahaa xaaladda magaalada Gaalkacayo, wuxuuna tilmaamay in  Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay kaalin weyn ka geysan doonto sidii shacabka magaalada Gaalkacayo ay nabad-gelyo iyo deris wanaag ugu wada noolaan lahaayeen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Puntland markasta heegan ugu tahay difaaca xuduudaha iyo shacabka Puntland iyo waliba muhiimada ay leedahay inay qaado tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso amaan darida degaan kooda.

Halkaan Ka Daawo Sawiradda 

ime1

imge4

imge3

imge2