Madaxweynaha Filibiin oo aflagaadeeyey Obama

Madaxweynaha Filibiin ayaa si ba’an u aflagaadeeyey Madaxweynaha Maraykanka wax yar kadib markii Obama sheegay in laga yaabo inuu baajiyo kulan uu kula yeelan lahaa Laos dhigiisa Filibiin.


Rodrigo Duterte wuxu ku hanjabay in labada Madaxweyne isu gilgili doonaan sida doofaarada hadii Obama isku dayo inuu casharo ka siiyo xuquuqda aadanaha.

“Waa kugu waajib inaad tahay qof ixtiraam leh” Ayuu yiri Duterte oo sheegay in aanu wax amar ah ka qaadan doonin Washington.

“Wiilkii dhiladu dhashayoow, waxan kugu lacnadi doonaa shirka dhexdiisa” Ayuu ku sii daray hadalkiisa Duterte.

Duterte ayaa loo doortay Madaxweyne bilowgii sanadkan kadib markii uu balanqaaday inuu cagta marin doono kooxaha ka ganacsada daroogada ee Filibiin faraha ba’an ku haya.

Dhowrkii bilood ee uu xilka hayey boolisku waxay dileen 2,400 oo lagu tuhunsanyahay inay ka ganacsan jireen daroogada. Madaxweynaha ayaa dhiirigeliyey in la laayo.

Dadka lagu tuhunsanyahay inay ka ganacsadaan daroogada waa in dambigooda lagu qaadaa maxkamad sharci ah, maaha inay dabley jidadka ku xukunto” ayey tiri goor hore Qaramada Midoobay oo dhaleecaysay ololaha Manila.

Madaxweyne Duterte si joogta ah ayuu ugu gacansayrayey eedahaas isagoo leh cidna kama haybaysan doono, xataa wuxu ku hanjabay in dalkiisu ka bixi doono Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Obama wuxu u sheegay weriyayaasha isagoo ku sugan Shiinaha inay tahay in lala dagaalamo daroogada balse ay muhiim tahay in la dhowro xeerarka caalamka u degsan.

Obama iyo Duterte ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Laos halkaas oo ay shir ku yeelan doonaan madaxda urur goboleedka ASEAN.

Washington horay waxay u soo gumaysatay Manila, markaas wixii ka dambeeyey waxa ka dhexeeyey xiriir saaxiibtinimo oo fiican.