Madaxweynaha Galmudug oo Mudo Caafimaad ugu Maqnaay Dalka Hindiya oo Dalka kusoo wajahan Maalinta Beri

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maalinta berri ah dalka dib ugu soo laaban doona, waxaana uu moddo todobaadyo ah caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya.

Ilo madax banaan oo ku dhow Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Risaala u sheegay in xaalada Madaxweynaha hada ay tahay mid wanaagsan sidoo kalena maalinta berri ah la filayo in uu dib ugu soo laabto dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweynaha dhowaan lagu sameeyay qaliin, sidoo kalena maalinta berri ah hadii uu Alle idmo dalka uu dib ugu soo laaban doono si uu usii ambaqaado hawlaha shaqo ee uu ka hayay Galmudug.

Waqti xaadirkan waxaa si hufan u wada shaqooyinka la xiriira dhinacyada horumarka iyo siyaasadda Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Golaha Wasiirada maamulka Galmudug.

Madaxweynaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka maqan shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana booskiisa buuxinaya oo shirka ka qeyb galaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.