Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee IGAD oo ka wadahadley iskaashiga Soomaaliya iyo IGAD+Sawirro

Muqdisho, 19 August 2016 (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay wafdi uu horkacayo Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng. Maxbuub Macallin.

Kulankan ayaa waxaa looga hadley qabanqaabada Shir Madaxeedka wadammadda IGAD ee bisha soo socota lagu qaban doono magaalada Muqdisho, arrimaha amniga, siyaasadda, dhismaha maamulka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha ee hay’adaha caalamiga iyo IGAD ka fulinayaan Soomaaliya iyo iskaashiga arrimaha horumarinta ee labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa wafdiga uga warbixiyey xaaladda dalka, diyaargarowga Shir Madaxeedka IGAD, horumarka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee lagu tallaabsadey iyo qabanqaabada doorashada 2016.

Labada dhinac ayaa isku afgartey dhammaan qodobadii ay ka wadahadleen, iyadoo Xoghayaha Guud ee IGAD Eng. Maxbuub uu sheegay inay IGAD si buuxda u taageereyso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada muhiimka u ah xilliga kala guurka.

———————DHAMMAAD——————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

10168248_10154408607275480_1744435957_n

14031073_10154408607395480_2042227105_n