Madaxweynaha Jabuuti iyo Raiisul-wasaaraha Itoobiya oo hadda soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raiisul-wasaaraha Dalka Itoobiya Mr: Hailemariam Desalegn ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Hailemariam oo garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana loo galbiyay goobta uu shir-Madaxeedka Urur-goboleedka IGAD uu ka dhacayo.

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw la filayo inay Wufuud kale oo ka tirsan Ururka IGAD ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacayo Shir-madaxeedka Wadamada ku bahoobay Ururkaasi.

Madaxweynaha JFS ayaa Gaaray Xarunta Shirka IGAD, si uu u soo dhaweyo Martida, waxaana Goor dhaw la filayaa in Madaxweyneyaal ka qeybgalaya shirka ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.