Madaxweynaha Jubbaland oo Kulan Muhiim ah la qaatay Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Dalka Soomaliya+Sawirro

Madaxweynaha dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Muqdisho kulan Kula qaatay safiirka Imaaraatka Carabta Ujooga Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaani.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, mashaariicda hormarineed ee ay ka wadaan dowladda Imaaraatka Carabta dhul gobaleedka Jubaland iyo arrimo la xiriira dib udhiska ilaha dhaqaale ee dowlad gobaleedka Jubbaland ee ay ka midka yihiin Dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Safiirka ayaa safarro hore ku yimaaday Jubaland isagoo dardargelinayay mashaariicda hormarineed ee dowladooda ka wado Kismaayo caasimada Jubaland.
Dowladda Imaaraatka ayaa xiriir dhow la leh Jubaland iyadoo deeqo raashiin iyo kuwa qalab ciidanba soo gaadhsiiyay Jubaland

 

S09A9980-640x427

S09A9983