Madaxweynaha Ladoortay Donald Trump Oo Cabsi Galiyay Soomaalida Kunool Dalka………..

Madaxweynaha Dhawaan Loo Doortay Dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa sheegay in dadka soo galootiga oo tiradoodu gaareesa ama u dhexeyso 2 ilaa 3 milyan, oo si sharci darro ah ku jooga Maraykanka uu ka tarxiilo doono marka uu xafiiska si buuxda ula wareego.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkaan kasheegay mar uu wareysi siinaayay telefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CBS, Trump ayaa sheegay in si gaar ah uu u beegsan doono kuwa dembiyada galay,

kooxaha burcadka ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada ee ka mid ah muhaajiriintaasi.
Waxa uu intaa ku daray in masiirka sideeda milyan ee dheeraadka ah ee sharci darrada ku jooga Maraykanka,

Soomaalida Kunool Mareykanka ayaa waxaa lasooo darsatay xaalad cabsi ah.

go’aan laga gaari doono marka la adkeeyo ammaanka xuduudaha dalkaasi.
Mr Trump ayaa sheegay in qeyb ka mid ah derbiga uu ballanqaaday in uu ka dhisayo Xaduuda uu dalkiisa la wadaago Mexico, inuu naqanaayo mid silig ah.

 

La Wadaag Asxaabtaada