Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaliya

Madaxweynaha Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta waxa uu kulan kula yeeshay Magaalada Muqdisho safiirka EU Soomaaliya Ambassador – Ms Veronique LORENZO.

Kulankaan oo ahaa Mid muhiim ah  ayaa waxaa looga hadalayay arimo dhowr ah waxaana ka mid ahaa sida saxaafadu ay Heshay Colaadii  Magaalada Gaalkacyo Arimaha Doorashooyinka.

Arinta Magaalada Gaalkacyo ayaa si xoogan looga hadlay waxaana EU ay sheegeen in ay gacan kageysanaan sidii colaadaas loo soo af jari lahaa.

Madaxwayne Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in Galmudug ay markasta utagantahay nabada kuna baaqeyso in la joojiyo colaada labada Maamul ku soo dhex laalaabatay.

01-2-640x360 02-1