Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Oo Gaaray Gaalkacyo….

Madaxweynaha dowlada Puntland iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa waxay gaaree magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa magaalada ku soo dhoweeyay maamulka gobolka Mudug iyo kan Gaalkacyo sarakiisha ciidanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegayin ujeedada ugu weyn ee Gaalkacyo ay u yimaadeen in ay tahay sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalada soo laalabta ee kadhaca magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu kahadlay abaaraha xoogan ee kajira qeybo kamida gobolada Puntland isagoona sheegay in ay tahay wax rabbi laga magan galo colaada iyo abaarta iswata.

Magaalada Gaalakcyo ayaa lafilayaa in ay sidookale soo gaaran wufuud kale oo iyaguna ay u imaan doonaan xalinta dagaalada gaalakcyo ee u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.

Punland IyoGalmudug ayaa mudooyinkii dambe dagaalo kudhax maraayeen magaalada gaalkacyo.