Madaxweynaha Puntland oo Galkacyo kula Kulmay Danjiraha Q.M ee Soomaliya Micheal Keating

Garoonka Magaalada Galkacyo waxa uu Hada shir Xasaasi ah uga socda Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Danjiraha Q.M e Soomaliya Micheal Keating.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb ka ah Xubno ka tirsan Midowga Afrika iyo Masuuliyiin kale.

Labada masuul ayaa waxa ay ka Wada Hadlayan Xaalada Magaalada Galkacyo iyo Kulanka la filaayo in uu dhexmaro Labada Madaxweyne.

Gaas iyo Keating ayaa Hada ku wada sugan Garoonka diyaaradaha Magaalada Galkacyo waxaana la sugaya in ay Goordhaw soo gaaran Ergada ka socota Galmudug iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka.

14993365_1789236988023442_1831101717296293556_n 15032131_1789239448023196_5716001083206644388_n