Madaxweynaha Puntland oo Safar Deg deg ah ugu Baxay Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Wafdi Balaaran uu Hogaaminaayo ayaa saakay waxa ay ka Ambabaxeen Garoonka Konoco ee Magaalada Garoowe.

 

Madaxweynaha oo Wariyaasha kula hadlay Aqalka Madaxtooyada ayaa sheegay in ay u aadayaan Addis Ababa sidii ay uga wada hadli lahaayeen arrimaha Siyaasadeed, Amniga & Dhaqaalaha.

 

Madaxweye Gaas wuxuu sheegay in ay dhameystiri doonaan qorshayaal horey qabyo u ahaa oo ku aada heshiisyo u dhaxeeyey labada dhinac, isagoo sidaas oo kale tilmaamay in ay maalmaha la joogo Addis Ababa ay kala hadli doonaan madaxda Itoobiya arrimaha Amniga.

 

Dowlada Itoobiya ayaa Inta badan waxa ay Saameyn Balaaran ku leedahay Siyaasadda Soomaliya iyadoona ay Caado iska Noqotay in Mudo yar ka dib ba Addis ababa looga yeero Madaxda Soomaalida Halkaasi oo laga soo shidaal siiyo ama lagu soo qaldo Maskaxdooda laguna soo shubo Danaha Gaarka ah ee Itoobiya.

 

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ah Madaxda Soomaalida ee inta badan Safarada ku taga Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Itoobiya.