Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud oo u ambabaxay Magaalada Kismayo————-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Dalka ayaa halkaasi kula kulmi doona madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Mudane; Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale la kulmo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Cusub ee halkaasi lagu doortay dhowaan, isagoo kala hadli doono marxaladda kala guurka ee uu Dalka marayo iyo sidii ay u gudan lahaayeen waajibka ka saaran badbaadinta Dalka Qaranka.