Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiiragelin ah u sameeyey Farxaan Hadaafoow oo ah ciyaaryahankii Soomaaliya uga qeyb-galay tartanka Olombikada adduunka ee ciyaaraha naafada.
Farxaan Hadaafoow Maxamuud waa ciyaaryahan Soomaali ah oo sannadkaan uga qeyb-galay dalka Brazil ciyaaraha naafada ee Olombikada adduunka isagoo matalaya dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku casuumay madaxtooyada Soomaaliya i suu u dhiiragaliyo, waxa uu la qaatay madaxweynaha kulan farxad iyo niyad sammi u lahaa Farxaan oo uu wehliyey Siid Cali Kuukaay oo ah xog-hayaha guddiga ciyaaraha naafada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Farxaan u sheegay in uu muujiyey dedaal, isla markaana uu ku ammaanayo magaca uu Soomaaliya u soo hoyay, maadaama tartankii uu Brazil uga qeyb-galay uu ka galay kaalinta shannaad oo aysan marnaba keenin ciyaartooyadii kale ee Soomaaliya uga qeyb-gashay ciyaaraha olombikada adduunka.
Farxaan Hadaadoow oo ay ka muuqatay farxad weyn markii uu la kulmay madaxweynaha, waxa ii si kooban iigu sheegay waxa ay ka hadleen isaga iyo madaxweynihiisa.
Sannadka soo socda ayuu Magaalada London ee dalka Ingariiska uga qeyb-geli doona ciyaaraha naafada adduunka.
Farxaan Hadafow ayaa ku tartamayay qeybta baaskiillada ee 100-ka mitir, isagoo ku orday 18.49 sec halka orodyahanka kaalinta 1aad galay oo ka soo jeeda Dalka Maraykanka uu ku orday 17.20 sec.