Madaxweynaha Soomaliya oo sheegay in Ciidanka Ammaanka ay Gacanta ku dhigeen Ninkii ka Dambeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaliya Xasan shiikh ayaa ka hadlay qarax gaari loo adeegsaday oo Maanta duhurtii ka dhacay Wadada Afisyooni ee Dagmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud ayaa ciidamada amaanka ku amaanay dadaalkooda, isagoo xusay in ciidanku ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan naftii haligii ka dambeeyey qaraxa dadka shacabka ah lagu dhibaateeyey.

Xiliga Qaraxa uu dhacayay Madaxweynaha waxa uu ku sugnaay Jaamacada Umadda Halkaasi oo uu kaga qeyb galayay Munaasabad Lagu daah furayay Kuliyad Cusub oo Jaamacada ay Yelaneyso.

Qaraxa inta la Xaqiijiyay 13 Ruux ku dhimatay 20 Kalana wey ku dhaawacmeen Qasaraaha ayaa waxa uu ku baahay Madaama Goobta qaraxa uu ka dhacay ay aheyd Goob Suuq ah oo dad badan ay ku ganacsadaan waana Suuqa Beerta ee Dagmada Waabari.