Madaxweyne Cusub oo UEFA Yeelatay Maanta Ka Dib Doorasho Ka Dhacay Caasimada Gariiga Ee Athens.

Aleksander Ceferin ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee UEFA ka dib markii uu ku guuleystay tirada codadkii loo baahnaa ee kulankii ka dhacay maanta magaalada Athens ee dalka Gariiga.

Ceferin oo ah madaxa xiriirka kubada cagta Slovenia ayaa doorashada kaga guuleystay ninka kaliya ee la tartamayay ee reer Holland Michael van Praag ka dib markii uu helay 42 cod waana in ka badan 14 cod intii loo baahnaa inuu doorashada ugu guuleysto.
49 jirkaan ayaa bedelaya madaxweynihii hore Michel Platini kaasoo iska casilay xilkaas sannadkii hore ka dib laga mamnuucay ciyaaraha kubada muddo sideed sanno ah isagoo lagu helay inuu jabiyay qawaaniinta kubada cagta u degsan ka dib markii uu lacag gaareysa 1.3 milyan ginni ka helay madaxweynihii hore ee FIFA Sepp Blatter.

Ninka reer France oo seddex abaalmarin oo Ballon d’Or ah ku guuleystay markii uu ciyaaryahan ahaa ayaa shirkii maanta ka hor sheegay inuusan wax danbi ah gelin, waxaana uu sheegay in lacagta uu qaatay ay aheyd mid uu shaqeystay oo aan musuq aheyn.

Caferin ayaa noqonaya madaxweynihii 7aad ee ay UEFA yeelato muddo 62 sannadood ah oo uu ururkaan jiray, waxaana uu haatan dhameysanayaa waqtigii u haray Platini oo ku eg dhamaadka sannada 2019.

14738445617157