Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta Magaacay Guddi Ku-meelgaarka Ah oo ka shaqayn doona arimaha Doorashooyinka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa.
Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.
Wuxuu Xeeriyey.
Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.
- Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq
- Sahra Jaamac Saalax
- Cali Jaamac Faarax
- Cabdullaahi faarax Mire
- Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
- Guulleed Saalax Bare
- Jaamac Xirsi Faarax
- Xafso Salaad Maxamed
- Cadirisaaq Axmed Siciid.