Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la leeyahay waxaa uu soo gaabiyay safar uu ku joogo dalka Ethiopia, wuxuuna Saaka kusoo wajahan yahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo shalay ay ka dhaceen qaraxyo ay wax yeelo isugu jirta Dhimashi iyo dhaawac ay ka soo gaartay Dad rayid ah.
Madaxweyne Gaas ayaa marka uu yimaado magaalada Gaalkacyo kadib, waxaa dalka Ethiopia loo qaadidoonaa dhaawacyada Halista ah ee ku waxyeeloobay weeraradii Qaraxyada ahaa ee Shalay ka dhacay WoqooyigaGaalkacyo.
Dhaawacyada ayaa lagu qaadidoonaa diyaaradda madaxweyne Gaas keenaysa Magaalada Gaalkacyo, taasoo gayndoonta isbitaal milateri oo kuyaala dalka Ethoipia, kadib markii madaxweynaha C/Wali Maxamed Cali Gaas uu kala hadlay dalka Ethiopia in dhaawacyada xaaladooda liidato dalka Ethoipia lagusoo daaweeyo.
Dhimashada weeraradii ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxay kor udhaafayaan 20 qof, halka dhaawacuna marayo 50 in kabadan sida ay Saraakiisha Caafimaadka laga soo xigtay.