Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi carabey ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Turkishka ufadhiya Somalia mr Ogan Beker kulankan ayaa ka dhacay safaaradda Turkishku ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa labada dhinac uga wada hadleen sidii Dowladda Turkishku uga qeyb qaadan laheyd mashaariicda hormarineed ka socda deegaanada dowlad Goboleedka soomaaliyeed Galmudug sida Siyasadda, , caafimaadka, Waxbarshadda iyo dhisida ciidamada.
Dhanka kale SafiirMr Ogan Beker ayaa sheegay in turkishka uu taageero ufidinayo Maamulka Galmudug iyo shacabka Galmudug, waxaan ognahay in uu maamulkiinu curdanyahay waana ognahay dhibaatooyinka lagala kulmayo marhadii maamul cusub la dhisayao turkishkana Somalia waa uu u soo gormaday qeyb ayaadna katihiin , waxaana rajeyneynaa in aan dhawaan tagi doonaan Magaalada cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee Galmudug si ay kagaa qayb qaataan dhisida iyo hormarinta Galmudug, Turkishka ayaa waxa uu Somalia ka fuliyaa mashaariico farabadan oo iskugu jira hormarin iyo dhisitaanka ciidamada xooga dalka Somalia .
Ugu danbeytii madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug maxamed Xashi cabdi ayaa u mahadceliyay safiir ogan beker iyo dhamaan dowlada turkishka dadaalka ay ugu jiraan in mar Somalia ay cagaheeda ku istaagto in Galmudugna markasata diyaar u tahay in ay xariir fiican la yeelato turkishka .
Kullankan ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mr. Maxamed Xaashi Cabdi ayaa magalada muqdisho u jooga shirka madasha qaran oo dhawaan la soo gabangabeynrabo waxa uuna inta uu ku suganyahay magalada muqdisho uu la kulmi donaa madaxkala duwan.