Dhageyso: Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland oo Markii ugu Horeysay Faah faahiyay Dib u Habeynta lagu Sameyay Maamulada Dagmooyinka G.Gedo

?????????????

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,ayaa waxaa uu ka warbixiyay howlo dib u habeyn ah oo uu ka wado Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

 
Maxamuud Sayid Aadan oo dhawaan loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu qabsaday muddo 45 Cisho ah oo uu dib u habeyn iyo isbeddel maamuleed ugu sameynayo degmooyinka Gobolka Gedo.

 
Waxaa uu Max’uud  sheegay in 3 Degmo oo ka tirsan Gobolka Gedo ay ilaa hadda ka hirgeliyeen maamullo taabacsan Jubbaland sidoo kalena ay diyaarinayaan Ciidamada maamulladaasi.

 
Degmooyinka kale sida Garbahaarreey,Baardheere iyo Buurdhuubo ayuu sheegay in ay hadda u dhimayihiin isaga oo xusay in muddo bil ah ay ka dhamaatay islamarkaana ay u hartay 15 Cisho oo uu sheegay in ay ku yaraan karto.

 
Khilaaf ayuu sheegay in ay Dadka qaar kala horyimaadeen laakiin ay ku dhameeyeen is afgarad iyo wadahadal ay la yeesheen waxgaradka degaanka.

 
Maxamuud Sayid Aadan ayuu Axmed Madoobe ku beddelay Madaxweyne ku xigeenkiisii hore ee Fartaag,waxaana magacaabistiisii kadib uu tagay degmooyinka Waqooyi ee Gobolka Gedo halkaas oo uu ka wadao isbeddel lagu sameynayo maamullada degaanka.