Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa Maanta isla Garoonka Aadan Cadde kula kulmay Xubno ka socda Beesha caalamka.
Sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka kulmaan Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ay kala hadlaan Arrimaha Doorashada oo Puntland ay Tabasho ka qabto