Madaxweyne Xasab Shiikh “Ciidamada xooga iyo kuwa Aminsom waa inay xoojiyaan Amaanka xiliga doorashada ay dhaceyso”

Madaxweyne Dowlada federaalka somaaliya oo xalay kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidamada xooga dalka Soomliyeed iyo kuwa Aminsom ayuu kala hadlay sugitaanka amniga xiga doorashada dalka.
iyo sidii dib loogu bilaaabi lahaa howlgalka ka dhanka ah xarakada Alshabaab oo iminka Hakad ku jira.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM looga baahan yahay in ay sugaan ammaanka Goobaha ay doorashada ka dhici doonto, si looga hortago iskuday kasta oo lagu dhibaateynaayo ammaanka xiliga doorashada.

Madaxweynaha Somaaliya ayaa faray saraakiisha laba ciidan inay iska kaa shadaan sidii hore loogu sii wadi lahaa dagaalka ka dhanka xarakada Alshabaab ee dagaalada kula jirta ciidanka Somaaliya iyo kuwa Taagerada siiya ee midowga Afrika Aminsom.

kulanka madaxweynaha uu la yeeshay taliyeyaasha ciidamada xooga iyo ku Aminsom ayaa ku soo beegmaya xili lagu wado  in bisha Septembar ay martigalindoonto Soomaaliya Shir Madaxeedka IGAD kaasi oo ka dhici doona sida uu qorshuhu yahay magaalada muqdisho.