Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa ka hadley Amniga Xiliga doorashada 2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doorashada.

“ Soomaaliya hore ayee u dhaqaaqdey, shacabkuna waxey cagta saareen waddadii nabadda, horumarka iyo barwaaqada.  doorashada iyo wax walba oo dan u ah Shacabka. Sidaa darteed waa in loo Lisku Duubnaada

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo AMISOM inay si buuxda u dardar-geliyaan fulinta hawlahii lagu dhammeystiri lahaa guud ahaan sugidda nabadgelyada dalka, gaar ahaan amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta, maamuleyaasha iyo kormeerayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha doorashooyinka.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka go’an inay cadowga ka suuliyaan qeyb kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo ay taasi jirto,ayaa haddana waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin gaar ah oo nabadda lagu sugayo waqtiga doorashada. Ciidammada Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxibada aan leenahay ayaana hawshaasi adag u diyaar ah inay qabtaan’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey qeybaha bulshada rayidka, warfaafinta, culumada iyo aqoonyahanada inay shacabka iyo dowladda kala qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha doorashooyinka.