Madaxweyne Xasan Sheekh oo u jawaabay Musharaxiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu ka hadlay hadalo maalmihii ugu dambeeyay ka soo yeeraayay Musharaxiinta.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa caawa wax nasiib-darro ah ku sheegay hadalada ka soo yeeraayay siyaasiyiinta, kuwaa oo qabsaday Magaalada Muqdisho, qaybaha dalka iyo dibadaba.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Nasiib-darro beryahaan magaalada, dalka Somaliya iyo meelo badan umadda Somaliyeed dhexdeeda hadaaq badan oo siyaasadeed ayaa ka yeeraayay.”

Madaxweynaha, ayaa dhinaca kale waxaa uu wax wanaagsan ku sheegay in dadka Somaliyeed ay u istaagaan hogaaminta dalka iyo sidii horey loogu dhaqaajin lahaaba.

“Dhinac waa nasiib-wanaag maanta in dadka Somalida ah ay u soo istaageen talada, oo qof walba dadka Somaliyeed hogaankiisa iyo taladiisa uu qayb lixaad leh ka qaato inuu rabo. Waan ku hambalyeeynayaa dadka dhalinyarada ah ee siyaasiyiinta ee Somalida ah, ee arrintaa doonaaya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Waxaa uu wax nasiib-darro ah uu ku sheegay hal arrin, taasoo ah in siyaasiyiintu ay siyaasaddii ka gashay wax ka sheegidda hogaanka hadda haya talada dalka, sida uu yiri.

“Halka mid ee nasiib-darrada aan ku tilmaamaayo waxay tahay in qofka siyaasiga ah ee doonaaya siyaasadda inuu u istaago in ay siyaasaddii ay hogaankii ka gashay. Masuuliyadda in loo dhiibo uu ku rabo inuu dalka caayo, inuu dowladnimada ceebeeyo, inuu umadda Somaliyeed magaceeda hoos u dhigo, in uu ka raadinaayo siyaasad, hogaan iyo darajo, waa nasiib-darro taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay in ay la yimaadaan fekrado siyaasadeed, oo lagu horumarinayo dalka, waxna looga bedelaayo nolosha dadka.

“Siyaasiyiinta Somaliyeed waxaan ugu baaqayaa dalka iyo dadka u soo bandhigo ra’yi siyaasadeed oo dalka wax looga bedelaayo, oo dadka noloshooda wax looga bedelaayo. Sharafta iyo karaamada umadda Somaliyeed ay leedahay meesha maanta ay joogto kor looga sii qaadaayo.”

Madaxweyne Xasan, ayaan wax aan sax ahayn ku tilmaamay in Saxaafadda xorta ah ee Somaliyeed loo adeegsado waxyaabo meel ka dhac ku ah sharafta umadda Somaliyeed.

“In Saxaafadda xorta ah ee umaddu ay ku faanayso maanta aanay dalal badan oo xora oo Afrika ah, oo burbur iyo colaado aan soo marin aanay lahayn, loo isticmaalo in umadda lagu karaamo tiro sax maaha. Saxaafadana waxaan leeyahay walaalayaal dhegta Somaliyeed wax fiican maqashiiya, indhaha Somaliyeedna wax fiican tusa.” Sidaasi waxaa yiri Hogaamiyaha Wadanka.

Madaxweynaha waxaa uu hadalkan ku sheegay khudbad uu caawa u jeediyay dadka Somaliyeed, isla-markaana uu farriin ugu diraayay hambalyada munaasadda Ciidul Adxaa.