DHAGEYSO: Madaxweyne Xasan shiikh maxamuud ”Soomaaliya marnaba hal talabo Biyo ah Kenya uga ugumaharidoono”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mar kale Damaca Dowladda Kenya ay ku dooneyso Biyaha Soomaaliya,maadaama Dacwad dhanka Badda ah oo u dhexeyasa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay ka soconeyso Magaalada Hague Ee Dalka Holland,

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba Kenya uga Tanaasuli doonin Taako Badda Soomaaliya ka mid ah islamarkaana Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay rajo weyn ka qabaan in ay ku Guuleystaan Dacwada Badda ee hadda taala Maxkamadda ICJ.

“Soomaaliya ma dooneyso Bad aysan la heyn lkn waxaa ay ku kalsoontahay in Baddeeda aan Hal mitir laga qaadan karin,waxaan u Mahadcelinayaa Ummadda Soomaaliyeed ee isgarab taagay Dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya Xilli Maxkamadda ICJ ay hadda hortaalo Dacwada Muranka badda ee ka dhex jira Soomaaliya iyo Kenya

download