Madaxweyne Xasan Shiikh oo saxiixay Xeerka Qaran ee Guddiga Xuquuqul Insaanka+Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa maanta saxiixay  Xeerka Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka,kadib markii xeerkaas uu Baarlamaanka meel mariyay Bishii Juune ee la soo dhaafay.

Xeerkan ayaa sugayay in uu ansixiyo Madaxweynaha,maaddaama uu meel mariyay Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana markii uu Baarlamaanka meel mariyay bogaadiyay Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha,iyaga oo ugu baaqay Madaxweynaha in uu saxiixo.

Shirka lagu saxiixayay Xeerkan ayaa k dhacay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ay tageen madax ka socotay Dowladda Soomaaliya Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Shirkan,waxaa ka qeyb galay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka,Taliyaha Ciidanka Asluubta,Madaxweynaha Soomaaliya oo xeerka qalinka ku duugay ,Wasiirro, Xildhibaanno iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah .

Guddigan ayaa la filayaa in ay waxbadan ka qabtaan Gabood fallada ka dhaka ah Bani’adamka ee ka dhaca dalka,waxaana horay Ansixinta Baarlamaanka u bogaadiyaya Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha.

 

X1-768x432 Xasan-768x432