Magaalooyinka Gobolka Bari Ayaa laga Mamnuucay Ka Ganacsiga Dhuxusha

Degmooyinka Gobolka Bari, ayaa waxaa si rasmi ah looga mamnuucay ka ganacsiga dhuxusha, xilli abaaro daran ay ka jiraan qaybo ka mid ah deegaanada Puntland.

Maamulka Gobolka Bari, ayaa waxaa uu soo saaray awaamiir ganacsatada looga mamnuucayo ka ganacsiga dhuxusha iyo jarista dhirta.

Axmed Cali C/laahi, Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Bari, ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in dhuxusha loo iib keeno Degmooyinka Gobolka Bari.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa ku amray ciidamada ku sugan kontoroolada inay ka hortaggaan gaadiidka wada dhuxusha, iyadoo markaasi la dhaqangelinayo awaamiirtan.

Axmed Cali C/laahi, ayaa tilmaamay inaanan loo baahnayn jarista dhirta, haddii abaaro baahsan ay ka jiraan deegaano ka tirsan Puntland.

Shacabka, ayuu sheegay inay shidan karaan xaabada qalashay iyo gaaska cuntada lagu karsado, si loo badbaadiyay dhirta inteeda hartay.