Magaca iyo Sawirka Soomaaligii dilka iyo dhaawaca ka geystay London oo la shaaciyey (Daawo

Booliska magaalada London ayaa shaaciyey magaca sawirka wiilkii soomaaliga ahaa ee habeen hore dilka iyo dhaawaca ka geystay magaaladaas.

Zakariye Bulxan oo 19 jir ah ayaa ku dhashay dalka Norway isagoo heysta dhalashada dalkaasi, laakiin waxay u soo guureen isaga iyo aabihii dalka Ingiriiska sanadkii 2004 xili uu shan sano jir ahaa.

Isagoo toorey adeegsanaya ayaa Zakariye waxaa uu dilay Haweeney Mareykan ah oo 64 sano jir ah laguna magacaabi jiray Darlene Horton isagoo dhaawacay shan kale oo qaarkood ay weli isbitaalka jiifaan.

Sakariye ayaa la sheegay in dhimirka looga jiro, waxayna Booliska sheegeen in weerarka uu geystay aanu ahayn mid xiriir la leh argagixiso.

 


2

1

3