Maraykanka Oo Ka Codsaday U.N. in South Sudan Cunaqabateynta Hubka la saaro

southMaraykanka ayaa meel mariyay qaraar qabyo ah oo cunaqabateynta hubka in lagu soo rogo South Sudan una gudbiyay golaha amaanka ee 15-ka xubnood ee Qaramada Midoobay .

Ambassadorka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Samantha Power ayaa ka fal celineysa warbixinta la taliyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adama Dieng oo booqday South Sudan todobaad ka hor.

Samantha Power ayaa ugu baaqday 15 xubnood ee ka tirsan Golaha inay eegaan digniinta Mr. Dieng “Ma jiro qof naga mid ah oo dhihi karaa waxaan ma aanan arkeenin inay soo socdaan,” ayay carabka ku adkeeysay.

la taliyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhawaajiyay khatarta soo food leh. “Waxaan arkay dhammaan calaamadaha nacaybka ee qabiilka iyo xaqiiqda ah in dadka rayidka ah la beegsanayo waxay keeni kartaa midaasi xasuuq, haddii aan waxba laga qaban si loo joojiyo.

Waxa uu sidoo kale si cad u codsaday in Golaha Ammaanka iyo wadamada gobolka ay midoobaan oo ay qaadaan tallaabooyin ku habboon si xasillonida dalkaasi dib loogu soo celiyo.