Marcelo oo Abaal Marin Ka Helay Kooxdiisa maadaama uu 10 sano u ciyaarayo Real Madrid—————–

Maanta oo kale 15 Nof 2006 ayaa waxay kooxda Real Madrid soo iibsatay Daafaca Bidix ee xulka Brazil Marcelo, waxaana xilligaasi haatan laga joogaa 10 sanadood.

Kooxda Real Madrid ayaa uga mahad celisay Marcelo waqtiga uu la qaatay iyo sida uu uga soo dhalaalay shaqadiisa Santiago Bernabeu, waxaana Guddoomiyaha naadiga Florentino Perez uu maanta Marcelo guddoonsiiyay Funaanad ay ku qoran tahay magiciisa iyo (10 sanadood) iyo Saacad lagu asteeyay 10-kan sanadood.

Isagoo 18 sano jir ah ayaa Marcelo waxa uu ka soo tegay Fluminense waxaana si rasmi ah loo shaaciyay inuu ku biiray Real Madrid isagoo kulankiisii ugu horreeyayna  u dheelay ciyaar ay ka hor tageen Deportivo La Coruna.

Marcelo ayaa tan iyo markii uu yimid Real Madrid waxa uu la qaaday 3 Horyaalka La Liga ah, 2 Copa del Reys, 2 Champions League, 2 SUper Copa de Espanas, 2 UEFA Super Cup ah iyo 2 Koobka Adduunka ee Naadiyada ah

WQ. SIMACIIL CABDI IBRAHIM { SANKA }

cxt7zkyxcae4q5h cxt7zkpw8aa_a_j