Mareykanka oo ku Adkeystay inu Ciidankiisa Kalabaxo Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in ciidankeeda ay kala baxayso Soomaaliya ka dib markii ay sheegtay in isbadal weyn ay ku sameysay Ciidanka kaga sugan Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Yurub oo mareykanka u sameeyay hal talis.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in fulinta qorshahaan ay qaadan doonto waqti iyo dib u eegis.

Ciidanka Mareykanka waxay  ku dhawaaqeen xoojinta Ciidamada Mareykanka ee Yurub iyo Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo loo magacaabay taliye cusub loona bixiyay magaca cusub ee  (USAREUR-AF).

Gen. Christopher G. Cavoli oo dhowaan  loo dalacsiiyay taliyaha USAREUR-AF ayaa sheegay in uu dardargalin doono fulinta amarka madaxda Mareykanka ee ah soo bixinta ciidanka kaga sugan Soomaaliya.

Gen. Christopher G. Cavoli ayaa sidoo kale muujiyay muhiimada ay leeyihiin ciidanka mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, isagoo sheegay in qorshahaan uu ahaan doono mid aan ku dhicin si deg deg ah hal mar.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], oo ay ku jiraan askar gaar ah oo gacan ka geysanaya tababarka Ciidamada Soomaaliya. Inta badan askarta Ameerikaanka waxay dalka yimaadeen kadib markii Trump uu xafiiska yimid.