Mario Balotelli oo dib ugu laaban doono mid ka mid ah Kooxaha italian Serie A

Naadiga reer Talyaani ee SS Lazio ayaa banaanka soo dhigtay xiisaha ay u qabto ciyaaryahankii hore ee Kooxda Milan Mario Balotelli.
Kooxda Kubada Cagta SS Lazio ayaa doonaysa in Super Mario Balotelli ay mar kale dib ugu soo celiso tartanka italian Serie A.
Mino Raiola oo ah Wakiilka Cayaariyahan Mario Balotelli ayaa sheegay inay jiraan dalabyo kale oo u maanaya in  Mario Balotelli uu ku biiriyo kooxaha kale Chievo iyo Sassuolo.,hase ahaatee uu iska diiday ku biirita Kooxahaas.
Tababaraha Kooxda Biancocelesti Simone Inzaghi ayaa lagu soo waramayaa in uu kulan la qaadan doono Aaasimaha Kooxda Lazio Keita Balde Diao si loo dhameeyo wadahadalo ku aadan arimaha Mario.
Sida laga soo xigtay Jariirada Il Messaggero, wakiilka Super Mario, Mino Raiola ayaa hore u diiday in kalyantigiisa uu ka iibiyo Kooxaha doonaya adeegiisa ka dib markii ay soo bandhigeen qiimo dhan € 16-million oo uero.